» Hooyga

 » Soomaaliya

 » Waxbarashada

 » Barnamijyada

 » K. iyo Ciyaaraha

 » Shaqada Qoyska

 » Xubnaha

 » Nalaga Xeriirna

 » Warka Edmonton

What's New:
Eid Mubarak
November 28, 2009
Click here more details



Kulamada iyo Cayaaraha:


Ujeedada barnaamijkan ayaa ah kor u qaadida midnimada ummadda iyadoo la badinayo kulamada xilliga kuleylaha ah ay isugu immaanayaan Jaaliyadda ku dhaqan magaalada Edmonton, iyadoo weliba si gaar ah loo soo dhaweynayo dadka magaalada ku cusub lana siinayo wixii macluumaad ah oo ku saabsan magaalada.

Barnaamijkaan waxaa kaloo ku jira in siyaasiyiinta ka soo jeeda magaalada iyo dadka kale ee maamulada sare ka haayo magaalada Edmonton ay bartaan dhaqanka iyo cuntooyinka kala duwan ee jaaliyadda soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada.

Cayaaraha Gudaha/Dibada lagu ciyaaro

Ururka isagoo og faa'iidada ay cayaaraha jir-dhisku u leeyihiin ummadda ayuu isku taxalujiyay inuu u diyaariyo barnaamijyo kala duwan oo ku wajahan caruurta iyo dadka waaweyn.

Ururka wuxuu waqtiyada qaboobaha soo raadiyaa Gym ay xubnaha ururka ku cayaaraan kubadaha cagta iyo kolleyga. Ururka wuxuu xiriir la sameystay iskuulada magaalada iyo maamlka magaalada Edmonton oo arrintaan helitaanka gymka ka saacida. Waxaa kaloo jira masaajidka Al-Rashiid oo usbuucii laba habeen noogu deeqay gymka masaajidka oo ay odayaasha iyo dhallinyarada ku cayaaraan kubadaha cagta iyo kolleyga.

Ururka wuxuu xilliga kuleylaha soo qaban qaabiyaa barnaamij kubadda cagta ah oo lagu qabto garoonka 88 and 145 Str. Waxaa caruurta loo qeybiyaa kooxo ku saleysan xaafadahooda kadinba la tartansiiyaa. Waxaa kaloo jira odayaasha oo iyagana halkaa ku kala baxa.

Dhacdooyinka Jaaliyadda

Ururku wuxuu qaban qaabiyaa munaasabadaha ay ummadda u leedahay dhaqanka iyo diinta sida ciidaha islaamiga ah, dibadbaxyada kuleeylaha, siminaarada aqoon kororsiga iyo muxaadarooyinka diiniga ah.


 


Map Direction

Banadir Software


Enter Keywords: Other Links:

Public Schools

Edmonton City

Alta Government

Alta Learning

Human Resources


Somali Canadian Cultural Society of Edmonton - All rights reserved - © 2004