» Hooyga

 » Soomaaliya

 » Waxbarashada

 » Barnamijyada

 » K. iyo Ciyaaraha

 » Shaqada Qoyska

 » Xubnaha

 » Nalaga Xeriirna

 » Warka Edmonton

What's New:
Eid Mubaarak!!
Fun for whole family
Click here more details



UJEEDOOYINKA URURKA


Taariikhda Ururka

Ururkan waa mid samafal oo la aasaasay 1991 waxaase laga diiwaangeliyey magaalada Edmonton bishii Marso 2001. Ururka waxaa loogu talagaly in uu u adeego danaha Soomaalida ku nool magalada Edmonton iyo agagaarkeeda.

Ururku wuxuu isku taxalujiyaa in uu abaabulo bulshada Soomaaliyeed isla markaana u noqdo cod ay bulshada ku tebiso dareenkeeda si ay wax ula qaybsato bulshooyinka kale ee ku dhaqan magaaladan Edmonton.

Ururka wux uu soo abaabulaa barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin socodsiinta dugsi quraanka carrurta iyo dadka waaweyn, munaasabadaha diineed, aqoon kororsiyo ku saleysan hadba baahida markaa taagan, iyo kuwa danta gaarka ah ay ugu jirto bulshada Soomaaliyeed.

Himilada Ururka

Himilada ururka waxay tahay in uu bulshada Soomaaliyeed u horseedo iskuduubni, horumar iyo wanaag ay kula dhex noolaadaan bulshooyinka iyo hey'adaha kale ee magaalada Edmonton iyo agagaarkeeda.

Hamiga Ururka

Xoojinta codka ay Soomaalidu ku leedahay magaalada, gobolka iyo wadankaba. Wax ka qabashada dhibaatooyinka carruurta Soomaaliyeed kala soo gudboonaado dugsiyada ay wax ka bartaan ee dawladda iyo kuwa gaarka ah.

Ku tarbiyeynta carruurta diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban. Ka taakulaynta Soomaalida arrimaha bulshada sida adeegyada dawladda, arrimaha sharciga, socdaalka. Ilaalinta xuquuqdooda.


 


Map Direction

Banadir Software


Enter Keywords: Other Links:

Public Schools

Edmonton City

Alta Government

Alta Learning

Human Resources



Somali Canadian Cultural Society of Edmonton - All rights reserved - © 2004