サ Hooyga

 サ Soomaaliya

 サ Waxbarashada

 サ Barnamijyada

 サ K. iyo Ciyaaraha

 サ Shaqada Qoyska

 サ Xubnaha

 サ Nalaga Xeriirna

 サ Warka Edmonton

What's New:
Eid Mubarak
November 28, 2009
Click here more details



Waxbarashada:


Xarunta kulanka iyo ka faa段ideysiga

Xarunta waxaa loo habeeyay iney daboosho baahida ay jaaliyaddu u qabto dhibaatooyinka la xiriira dhinaca
waxbarashada, shaqooyinka, iyo wararka kale. Ujeedada xaruntan ayaa ah iney jaaliyadda u fududeyso waddadii ay uga gudbi laheyd dhibaatooyinka kaga imaan kara heysasho la誕anta ama aqoon yarida qalabka wax fududeeya sida kombiyuutarada, internetka, faxka, iyo printerka wax lagu daabaco.

Xarunta waxaa lagu fuliyaa howlo ay ka mid yihiin ka caawinaada caruurta dhinaca shaqooyinka guriga loogu soo diro oo lagu qabto afar maalmood, iyadoo ay caruurta u isticmaalaan kombiyuutaradana iney ka raadiyaan wixii ay uga baahdaan internetka, kuna daabacdaan halkaas. Waxaa kaloo dadka waaweyn looga saacidaa sidii loo sameyn lahaa resume-ga, iyo shaqo raadinta. Waxaa xarunta yaalla kombiyuutarro ku xiran internet oo ay dadka u isticmaalaan ku barashada isticmaalka barnaamijyada aasaasiga ah ee kombiyuutarada.

Waxaa habeenkii marka ay caruurta dhameeystaan
shaqooyinkooda isugu yimaada odayaasha oo iyagana ku falanqeeya wixii cusub ee ku soo kordha magaalada iyo wadankii hooyo. Waxaa kaloo xarunta lagu qabtaa kulanada yar yar eey jaaliyaddu qabsato haddey ahaan laheyd mid looga arrinsanayo horumarinta danaha ummadda, ama lagu xalinayo dhibaatooyinka yar yar ee bulshada ka dhex dhaca.

Waxaa kaloo xarunta maalintii lagu fuliyaa howlaha kale ee adeega bulshada ee la xiriira dhinacyada xafiisyada ama baahida kale ee soo koroto markaas. Xarunta waxaa fureheeda heysta dad badan oo jaaliyadda ka tirsan, mararka qaarna ku gaara ilaa waqti dambe.

Caawinaada Shaqo Guri (Homework)

Ururka oo ay ujeedadiisu ka mid tahay kor u qaadida garaadka caruurteenna, wuxuu sannad dugsiyeed walba (Setembar ilaa Juun) sameeyaa saacidaad duruusta iskuulada ah oo afar maalmood usbuucii ah.
Waxaa barnaamijkaan lagu kala qabtaa xarunta ururka iyo hadba meeshii ay markaasi baahi ka jirto Soomaaliduna ku badan tahay.

Waxaa barnaamijkaan ka qeyb qaato volunteer Soomliyeed iyo dad ajnebi ah oo runtii waqtigooda geliya.
Barnaamijkaann oo ah mid ay caruur badan ka faa段ideystaan wuxuu noqon doonaa mid joogto ah oo la sii ballaariyo hadduu Ilaah yiraahdo. (Waqtiyada waxaa ka heli kartaa qeybta dhacdooyinka ee pagekan).

Saacidaada Waxbarashada

Jaaliyad walba oo ku cusub wadankan kanada waxey la kulantaa dhibaatooyin kagala soo gudboonaada dhinacyo badan oo uu ka mid yahay dhinaca waxbarashada. Wadanka Kanada oo ku saleysan hab federaali ah, waxaa waxbarashad ka mas置ul ah gobolada oo runtii leh habab kala duwan oo ku saleysan baahidooda gaarka ah.

Hadaba maadaama ay ummadda soomaaliyeed u soo baratay iney waxbarashadu ka mas置ul tahay dowladda dhexe, ayna waxwalba ka sugi jireen inuu iskuulku qabto ayey dhibaatooyin badan kala soo gudboonaadeen sidii ay ula qabsan lahaayeen habka waxbarashada dalkan, gaar ahaan magaaladan Edmonton.

Waxbarashada caruurta waxaa wadankan qeybta ugu weyn ka qaata waalidka, haddey noqon laheyd ka saacididda shaqo guriga, la socodka barnaamijyada iskuulka ka socda, la socodka waxbarashada ilmaha maalin walba, haddey jirto baahi gaar ah oo u baahan in iskuulka wax ka qabto ama doorashada maadooyinka laga qaato dugsiyada sare.

Hadaba ururka isagoo ka duulaya baahidaas badan joogtadana ah wuxuu sameeyaa seminaaro wacyigelin ah oo dhinaca waalidiinta iyo dhinaca iskuulada ah, wuxuu kaloo ka shaqeeyaa is-fahamka maamulka iskuulada iyo waalidiinta. Wuxuu kaloo ururku dhexgalaa dhibaatooyinka ay waalidiintu ka tirsanayaan maamulka ama macallimmiinta iskuulada.

Ururku wuxuu kaloo siminaaro u qabtaa dhallinyarada ku jirta dugsiyada sare si ay u ogaadaan maadooyinka looga baahan yahay waxa ay rabaan iney bartaan marka ay qalin jebiyaan. Ururku wuxuu kaloo talooyin siiyaa dadka waaweyn ee raba iney iskuulada ku noqdaan si ay u qaataan xirfado cusub ama u kordhiyaan kuwoodii hore.

Barashada Diinta

Ururka isagoo la kaashanaayo culumada iyo maamulka masaajidka sahaba wuxuu dib u habeyn ku sameeyay Dugsi quraankii lagu dhigi jiray masaajidka oo ay caruurta soomaliyeed aad uga faa'iideystaan.

Si loo yareeyo tirada caruurta badan oo hal mar isugu imaaneysa masaajidka iyo safarada ay waalidiinta soo galayaan, ayaa macallimiinta aqoonta u leh dhigidda
quraanka waxey hadda wax ku dhigaan xaafado u dhaw meelaha ay Soomaalidu ku badan tahay iyagoo u fiirinaaya waqtiga, da壇a iyo heerka aqooneed.

Dhinaca dadka waaweyn waxaa jira barnaamij dumarka loogu qabto Masaajidka Saxaaba maalin walba oo Sabti ah iyo kuwo loo qabto ragga habeenada Jimcaha iyo Axaddda.


 


Map Direction

Banadir Software


Enter Keywords: Other Links:

Public Schools

Edmonton City

Alta Government

Alta Learning

Human Resources


Somali Canadian Cultural Society of Edmonton - All rights reserved - © 2004