» Home Page

 » Somalia

 » Education

 » Programs

 » Recreation

 » Family Services

 » Membership

 » Contact Us

 » Edmonton News

What's New:
Eid Mubarak
November 28, 2009
Click here more details



Booliska Edmonton iyo Jaaliyadda Soomaalida Edmonton oo Wada Ciyaaray Kubadda Cagta

April 29, 2009

Laba kooxood oo isku dhafan kana kooban Soomaalida Edmonton iyo booliska qeybta waqooyi ee magaalada Edmonton ayaa 26 Abriil 2009 kuwada ciyaaray kubadda cagta garoonka “ Victoria Soccer Filed”.

Fikradan is dhexgalidda ku salaysan ayaa ka timid dhinaca booliska Edmonton sannadkii lasoo dhaafay dabayaaqadiisii; booliska ayaa u arka in ay Soomaalidu xasaasiyad ka qabaan booliska Edmonton, taasina ay dhaawacayso kalsoonida ay jaaliyaddu ku qabto booliska.

Haddaba si laysugu soo dhawaado, ayey jaaliyadda Soomaalida Edmonton iyo booliska qeybta waqooyi ee magaalada Edmonton isla garteen in laysku dhexdaro ciyaartooy Soomaali ah iyo kuwo booliska ka socda.

Labada kooxood ee isugu jiray booliska iyo Soomaalida Edmonton ee wada ciyaaray kubadda cagta ayaa kala watay magacyada “Nabaddoon iyo Samaddoon”. Dadweyne 200 kor udhaafay ayaa isugu yimid garoonka Victorial Soccer Field; waxayna goobta ku daawadeen ciyaartii dhexmartay labada kooxood. Dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa ku xigeenka madaxa booliska magaalada Edmonton iyo madaxa ururka Somali-Canadian Cultural Society of Edmonton, Xasan Cali (Tata).

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Edmonton ayaa waxyar ka nasatay naxdintii joogtada ahayd iyo dhimashadii badnayd ee ku dhacaysey dhalinyaradeeda. Laakiin wiil dhalinyaro ah ayaa laba maalmood kahor lagu dilay magaalada Edmonton, taasoo walaac iyo walwal cusub ku beertay jaaliyadda Edmonton.

Sannadkii lasoo dhaafay ayaa ilaa 6 dhalinyaro Soomaaliyeed ah lagu dilay magaalada Edmonton; dadkii falal danbiyaadkaas ka danbeeyeyna badankoodii wali lama hayo. Dilkan ugu danbeeyey ayaa walaac ku abuuray jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton.

Mohamed Abdi
mohamed@somaliedmonton.com
Somali-Canadian Cultural Society of Edmonton
Edmonton, Alberta, Kanada


Map Direction

Banadir Software


Enter Keywords: Other Links:

Public Schools

Edmonton City

Alta Government

Alta Learning

Human Resources


Somali Canadian Cultural Society of Edmonton - All rights reserved - © 2004